1041 Views

Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 28, 2019 —Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa gaaray Xubnaha Guddiga qaban qaabasahda shirka dib u heshiinsiinta beelaha dega Deegaanada Galmudug,kuwaas oo dhawaan ay Magacaawday Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

 

Guddiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,waxana la filayaa in gelinka dambe ee Maanta ay la kulmaan Odayasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

 

 

 

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan  Arimo la xiriira shirka dib u heshiinsiinta deegaannada Galmudug iyo sidii reer Gaalkacyo ugu qeyb gali lahayeen gogosha dib u heshiinsiinta ee taalla Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb.

 

Reer Gaalkacyo ayaa horay ugu baaqay in shirka dib u heshiinsiinta lagu qabto magalada Gaalkacyo maadama ay sheegeen in madaxweyanaha Soomaliya uu horay ugu dhagax dhigay gurriga Nabadda.

 

Xubnaha Guddiga qaban qaabasahda shirka dib u heshiinsiinta beelaha dega Deegaanada Galmudug ayaa shalay tegay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo la kulmay Odayaasha & Waxgaradka deegaankaas,hayeeshee daka Reer Xeraale ay shuruud ku xireen ka qeyb galka Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment