915 Views

Xisbiga Wadajir oo qaadacay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda

Xisbiga Wadajir oo qaadacay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 23, 2019 –Xisbiga Wadajir  oo ka mid ah Xisbiyada Mucaaraadka ah ee sidda weyn uga soo horjeedda Hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo  ayaa qaadacay kulanka ay yeelanayaan maanta oo Sabti ah Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda ee heysta shahaadada KMG ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka.

 

Hoggaanka Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin kulanka Madaxweyne Farmaajo oo ay ku tilmaameen Mid maaweelo ah oo aan Micno badan ku fadhin.

 

 

 

“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa” ayaa lagu yiri War kasoo baxay xisbiga Wadajir .

 

Hoggaanka Xisbiga Wadajir ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galka kulankaas, waxaana uu dalbaday in dowladdu cudur daar iyo magdhaw ka bixiso dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geysatay, gaar ahaan dhacdadii lagu weeraray Xarunta Xisbiga 17 December 2017 oo aanay dowladdu illaa hada cudur daar ka bixin.

 

“Waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowlada”ayaa lagu yiri qoraalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment