2301 Views

Sawiro:-Taliyaha Booliiska Gaarka Ah Ee Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaaray

Sawiro:-Taliyaha Booliiska Gaarka Ah Ee Turkiga Oo Muqdisho Soo Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 21, 2018 —Taliyaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Dalka Turkiga ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga oo la kulmay madax kala duwan oo u badan kuwa Ciidanka.

Taliye Selami Türker,ayaa la kulmay xubno ka mid ah Saraakiisha Booliska Soomaaliya oo ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Dadka uu la kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Saraakiisha Booliska Soomaaliya ee uu la kulmay waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakia Xuseen.

Safarka Taliyaha Booliska gaarka ah ee Dalka Turkiga Selami Türker,ayaa ahaa mid aan la sii sheegin waxaana la xaqiijiyay kaddib markii uu kulamada la qaatay saraakiisha Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu la kulmay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowlada Turkiga ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka taageerta dhinacyo kala duwan sida amaanka oo ay tababarro siiso Booliska iyo Milatariga Soomaaliya.

p1 p2 p3 p4 p5

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment