825 Views

Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Jabuuti

Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Jabuuti
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Wada-hadalladii u dhexeeyey ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa ay weli ka socdaan dalka Jabuuti,iyada oo Maanta uu galay maalintii Afaraad loogana hadlayo arrimo dhowr ah.

Wada-hadallada ayaa waxa ay u socdaan guddiyo farsamo oo ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac ah, waxaana goobjoog ka ah madaxda sare ee labada dhinac iyo dowladda Jabuuti.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qodobada ay ka hadleen ay kamid yihiin,sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore u gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo in aan la siyaasadeyn deeqaha Calaamka uu ugu talo galay Soomaaliya.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in kulamada socda War-Saxaafadeed laga soo saaro,hayeeshee dib uu u dhacay,waxaana wararka ay sheegayaan in Maanta Warmurtiyeed ay Guddiyada soo saari doonaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post