1182 Views

Sawiro:-RW Kheyre oo sagootiyey Dhaawacyo loo qaaday Qatar

Sawiro:-RW Kheyre oo sagootiyey  Dhaawacyo loo qaaday Qatar
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle kusoo dhaweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku wax yeelloobay weerarkii Ex-Kaantarool Afgooye.

 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga uga mahad celiyay gurmadka walaaltinnimo ee ballaaran oo ay u fidiyeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo qeybta wayn ee ka qaateen dadaallada daryeelka loogu fidinayo dhibbanayaasha.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siineyso bed-qabka iyo daryeelka mawaadiniinteeda, ayna ku dadaaleyso in bukaannadu ay helaan baxnaaninta ay u baahanyihiin.

 

Diyaaradda Qatar ay soo dirtay maanta oo dowladda soo gaarsiiyay dawo ay qayb ka ah gurmadka, ayaa qaaday 22 mawaadin oo ku dhaawacmay qarixii Ex-Koontorool si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

 

Shalay ayaa dowladda Turkigu waxa ay sidaan oo kale dalkeeda u qaaday mawaadiniin Soomaaliyeed oo qayb ka ahaa dhaawacyadii ka dhashay qarixii Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment