1482 Views

Sawiro:-Madxweynihii Horre Ee Dalka Oo Siheersara ah Loogu Soodhaweeyey Baladweyne

Sawiro:-Madxweynihii Horre Ee Dalka Oo Siheersara ah Loogu Soodhaweeyey Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 05 February 2019 –Wafdi Balaaran Oo Uu Horkacaayo Hogaamiyaha Xisbiga UPD Ahna Madaxweynihii Hore ee Somaliya Xildhibaan hasan sheekh maxmuud Ayaa maanta Siwayn loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobalka Hiraan .

Socdaalka Hogaamiyaha ayaa waxaa kuwehlinaya xubno kamid ah golaha fulinta ee xisbiga, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga xisbiga UPD ayaa waxaa garoonka Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne, dhallinyaro, Haween, Odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shacabkii wafdiga soo dhaweynayay ayaa waxa ay wateen calamada qaranka iyo kan xisbiga, iyo sido kale sawirada guddoomiyaha xisbiga iyo boorar ay ku muujinayeen soo dhaweyntooda .

Waxaan maatay socdaal shaqo ku tagay magaalada Beledwayne anigoo ka jawaabaya baaqa Bulshada reer Hiiran, kaas oo ku saabsanaa in Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarku uu xarun ka furto magaaladda Beledwayne.

Waxaan u mahadnaqayaa Maamulka iyo Shacabka reer Hiiran gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Beledwayne oo noo muujiyay taageero balaaran oo ay u hayaan Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ,, Ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbiga .

Wafdiga xisbiga UPD ee uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa mudada ay ku sugan yihiin magaalada Baladweyne waxa ay kulamo kala dhuwan la yeelan doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan, odayaasha , waxgaradka magaalada iyo sido kale Ugaaska guud ee deegaanka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment