579 Views

Weerar ka dhacey Kongo oo lix qof ay ku dhinteen

Weerar ka dhacey Kongo oo lix qof ay ku dhinteen
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Lix qof ayaa ku dhimatey qarax lala beegsadey maqaaxi ku taalla dalka Kongo, oo looggu dabaal dagayey ciidda maalinta Kirismiska.

Ninka weerarka soo qaadey, ayaa xirnaa suun lagu soo xirey walxaha qarxa, kaasoo isku dayey inuu gudaha u galo maqaayad ku taalla magaalada Beni, ee bariga dalka Kongo, balse ilaalada ayaa kahor tagey.

Wuxuu isku qarxiyey laga galo maqaayadda, isagoo halkaasi ku dhintey ruuxii is qarxiyey, sidoo kale waxaa halkaasi ku geeriyoodey shan qof oo kale.

13 qof ayaa ku dhaawacmey qaraxa.

Afar sano kadib, markii laga adkaadey kooxda sheegata dowladda Islaamiga ah, ayaa waxey kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan meelo kala duwan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post