819 Views

Drs Xaawo Cabdi oo Caan ka aheyd Soomaaliya oo geeriyootay

Drs Xaawo Cabdi oo Caan ka aheyd Soomaaliya oo geeriyootay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-05-2020-Allaha U Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomalaiya ku geeriyooday Drs Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid aheyd Dhaqaatiirta waa weyn ee Soomaaliya, kadib xanuun la sheegay in uu xalay kusoo booday.

Drs Xaawo Cabdi ayaa mudo badan ka soo shaqeynaysay Arimaha Caafimaadka Soomaaliya, gaar ahaan xillyo adag oo dalka Soomaaliya ay ka jireen xaalado adag oo aan fududeyn in la Shaqeeyo.

Dad badan ayaa ka yacsiyadeeyay geerida Drs Xaawo Cabdi,waxaana kamid ah siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Drs Xaawo Cabdi ayaa waxaa xarumo Caafimaad oo kala duwan waxaa ay ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya,waxaana qaarkood ka howlgalla Carruur ay dhashay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post