618 Views

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo sheegay in Farmaajo uusan weli wareejin mas’uuliyadii amiga

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo  sheegay in Farmaajo uusan weli wareejin mas’uuliyadii amiga
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Maamul  goboleedka Jubbaland ayaa dhaliilay hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweyne waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka iyo amniga uu ku wareejinayo Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan weli wareejin mas’uuliyadii amiga, isagoo balan qaadkiisii shalay ku tilmaamay marin habaabin.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha looga fadhiyo in amniga guud ee dalka uu ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha, maadaama meel kasta dalka ay ciidamo isku hor fadhiyaan, sida uu sheegay wasiir Cabdi Xuseen.

Sidoo kale Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Beledweyne, iyo gobolka Gedo ayuu tusaale u soo qaatay, in ciidamo ka wada tirsan dowladda ay isku hor fadhiyaan, isla markaana Rooble uusan weli awood u laheyn inuu kala qaado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post