384 Views

Wasiir ku xigeenka difaaca Ukraine oo sheegay in dagaal qaraar uu ka socdo bariga magaalada Soledar ee sida weyn loo burburiyay

Wasiir ku xigeenka difaaca Ukraine oo  sheegay in dagaal qaraar uu ka socdo bariga magaalada Soledar ee sida weyn loo burburiyay
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12- 2023 

 Wasiir ku xigeenka difaaca ee Ukraine ayaa sheegay in dagaal qaraar uu ka socdo bariga magaalada Soledar ee sida weyn loo burburiyay, una dhow Bakhmut.

Hanna Malyar waxay qirtay in xaaladdu haatan ay adkaatay sida ay hadalka u dhigtay. Mar sii horreysay, afhayeen u hadlay militariga Ukraine ayaa ka dhawaajiyay in taliyeyaasha ay ka fikirayaan ka bixitaanka Soledar.

Arbacadii, madaxa calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku celceliyay sheegashada ah in ay qabsadeen magaalada, hase yeeshee, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in dagaalku uu wali socdo.

Sirdoonka militariga Ukraine ayaa sheegay in Ruushka uu xoojinayo joogitaankooda dhulka ay qabsadeen isagoo keenaya cutubyo badan oo dhawaan la soo abaabulay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post