915 Views

RW Kheyre oo ka hadley geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

RW Kheyre oo ka hadley geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqiijiyey in uu Maanta ku geeriyoodey Magaalada london ee dalka Ingiriiska,halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay.

 

Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

 

 

Ra’isul Wasaare Hassan Ali Khaire “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

 

Wasiiro,Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo inta badan Bulshada soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeeyey ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo xilka Ra’iisul Wasaarenimo haayey inta u dhaxeysay sanadihii 2007-2009.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment