294 Views

UNHCR oo sheegtay in ay aad uga xun tahay 100 tahriibeyaal ah oo rag ah oo qaawan oo laga helay xuduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Giriigga .

UNHCR oo  sheegtay in ay aad uga xun tahay 100 tahriibeyaal ah oo rag ah oo qaawan oo laga helay xuduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Giriigga .
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay helista in ku dhow 100 tahriibeyaal ah oo rag ah oo qaawan oo laga helay xuduuda u dhaxeysa Turkiga iyo Giriigga .

Labada dal ayaa midba kan kale ku eedeeyey dhibaatadaa oo ku dhacday 92 tahriibeyaal ah .

Giriigga ayaa eedda saaray Turkiga isagoo sheegaya waxa uu ku tilmaamay dabeecad ayna aheyd sida ay yiraahdeen mid “cay ku ah ilbaxnimada “.

Turkiga ayaa sheegay in waxa deriskooda ay sheegayaan ay tahay waxa ay ku tilmaameen “war been abuur ah” waxayna ku eedeeyeen Giriigga waxa ay ugu yeereen “Cadowtooyo”.

Boliiska Giriigga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 92 rag ah kuwaas oo ay heleen iyaga oo qaawan qaarkoodna ay dhaawacyo ku yaallaan kana heleen meel u dhow xuduuda ay la leeyihiin dalka ay deriska yihiin ee Turkiga maalinimadii Jimcaha .

Saraakiil ka tirsan hay’adda Yurub u qaabilsan xuduudaha ee Frontex ayaa sheegay in aya heleen caddeymo in tahriibeyaashau ka soo gudbeen webiga Evros oo ay halkaas ka soo galeen dhulka Giriigga iyagoo la socda doonto caag ah oo kayimid Turkiga .

Ciidanka xuduudaha war qoraal ah oo ay soo saareen ayey ku sheegeen “Waxay ciidanka boliisku waxay heleen 92 tahriibeyaal sharci darro ah oo qaawan kuwaas oo qaarkood ay dhaawacyo ku yaalleen “

Mas’uuliyiin Giriig ah ayaa sheegay in in dadkaas si degdeg ah dhar loogu xiray , sidoo kalena la siiyey cuntoiyo gargaar deg deg ah

Lama oga qaabka iyo sababta ay raggani ku waayeen dharkooda .

Dadkan ayaa intooda badan waxay ka yimaadeen Afghanistan iyo Siiriya .

Wasiirka Difaaca Rayidka ee dalka Giriigga ayaa Turkiga ku eedeeyeyin ay iyagu ka dambeeyaan dhibaatada tahriibeyaasha loo geystay .

Muranka iyo is eedeynta labada dal ayaa gaaray heerkii ugu xumaa iyagoo is dhaafsanaya qoraalo lagu adeegsanayo erayo ad adag.

Bishii hore ayaa Madaxaweynaha Turkiga Erdogan wuxuu adeegsaday hadal uu ka jeedieyey Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay in Giriigga ay badda Agean Sea u bedeleen Qabuurosida uu yiriayna tahriibeyaasha .adeegsato sida uu yiri siyaasad cadaadis ku dhisan

Sanadihii 2015 Giriigaga wuxuu ahaa meelaha ugu horreeya ee ka jiraan xiisadaha tahriibka markii hal milyan oo qaxooti ah ay ka soo cararayeen dagaalo iyo saboolinimo saameysay Siiriya , Iraq iyo Afghanistan kuwaas oo yimid Giriigga inta bandanna ka soo galay Turkiga .

Tirada imaanaysa Giriigga ayaa hoos u dhacday wixii markaa ka dambeeyey laakiin madaxada Giriigga ayaa sheegay in dhowaaan ay arkeen tirade oo kor u kacday iyadoo ay jiraan isku dayo dadka imaanaya ay isku dayayaan in ay ka soo galaan dhinaca Turkiga iyo jasiiradaha Giriigga .

Giriigga ayaa ku dooday in Turkiga ay tahay in ay xushmeeyaan heshiiskii 2016 ay la galeen Midowga Yurub kaas oo kadhacay magaalada Ankara oo ahaa in in la xakameeyotahriibeyaasha soo galaya Yurub taas oo loogu bedelayo balaayiin lacagta Euro ah oo kaalmo ah.Giriigga ayaa si dhaqso ah u ballaarin doona 25 mile oo u dhigata 40 kilomitiroo darbi ah oo ku teedsan xuduuda ay la leeyihiin Turkiga to looga celiyo tahriibeyaasha .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post