990 Views

C/Kariin Guuleed oo baaq kasoo saaray dagaalka Mudug

C/Kariin Guuleed oo baaq kasoo saaray dagaalka Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 9, 2019 | QOL |   –Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedka mar kale ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

 

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in wax walba ay wada-hadal ku dhameeyaan maleeshiyaadkauu dagaalka u dhaxeeyo,isaga oo sidoo kale baaq u diray Waxgaradka Gobolka Mudug.

 

 

 

“Waxaa mar labaad baaq nabadeed u soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq, anigoo ka codsanaya inay xabadda deg deg u joojiyaan, gogol wadahadalna isugu yimaadaan ayuu yiri”C/Kariin Guuleed.

 

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Waxgaradka Gobolka Mudug inay ka qeyb qaataan daminta colaadaas kuna baxaan, nabadna kala dhex dhigaan dadkaas walaalaha ah ee halkaas ku diriraya.

 

Dagaalkii markale Maanta kadhacay tuulooyin hoostaga degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment