4962 Views

C/llahi Sheekh Xasan oo qorshe hor leh ku soo kordhiyay maamulka Shariif Xasan

C/llahi Sheekh Xasan oo qorshe hor leh ku soo kordhiyay maamulka Shariif Xasan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, June 29, 2016: C/llahi Sheekh XasanWasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maamulka Koofur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa  waxaa uu sheegay in Maamulka Koofur Galbeed ay billaabayaan in ay qaadaan Canshuurta Dalagga iyo Ganacsiga degaannada Maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya ay sanad ka hor u qoreen Warqad ay kaga dalbanayaan in Wasaaradda Ganacsiga ee federaalka ay qaaddo Canshuurta iyadana looga dambeeyo,Koofur Galbeedna ka siiso qeybta uga soo aadda,laakiin taasi ayuu sheegay in aysan dhaqan gelin oo ay Wasaaradda Ganacsiga ee Federaalka ka waayeen jawaab.

C/Lahi Sheekh Xasan,waxaa uu dhanka kale sheegay in Maamulka Koofur Galbeed aan lagu casuumin Shir Muqdisho ay ku qabatay Wasaaradda Ganacsiga ee Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo ay Ganacsatada kula shirayeen,waxaana uu intaa raaciyay in Koofur Galbeed aysan quseyn Qodobada ka soo baxa Shirkaasi.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment