459 Views

Wasiirka Qorsheynta XFS oo daah furay mashruuca Kobciye

Wasiirka Qorsheynta XFS oo daah furay mashruuca Kobciye
____________________________________________________________________________

Kahmiis: June 30, 2022

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgshiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa  daahfuray mashruuca iskaashiga Caalamiga  ee Kobciye  ee maalgalisay Midowga Yurub, iyada oo ka qeybgaleen madax ka kala socday wasaaradaha dowlad labadeeda heer ee mashaaruucda kobciye fulintiisa iyo kormeerka iyo qiimenta waajibaadkooda uu yahay.

Mashruucan Kobciye oo muhiimada gaar ah uga fadhiyo bulshada Beerleyda ah iyo xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee ka faa’iideysanasanayo mashaariicda kobciye waxa ay gaarayaan sideed iyo tobban kun qof ee ( 18.000  people), kuwaas oo ku nool qaaar ka mid ah gobalada  dalkeenna ee la qorsheeyay in laga hirgaliyo Mashruucan qiimaha leh.

Madaxa Hay’adda Barnaajimka Cuntada Adduunka u qaabilsan QM ee Soomaaliya (WFP-Somalia). Waxa uu hoosta ka xariiqay natiijooyinka hordhaca ee laga gaaray mashruuca iyo fulinta meelaha goordhaw fulintiisa laga bilaabi doonno  in diirada sooro, yarenta Abaaraha, Sugnaanta Cuntada, Isbalka Cimilada, Wax soo saarka kobcintiisa.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa qeexay maraaxilada kala duwan ee soo maray Mashruuca kobciye iyo ka baaran degida dowladda Arrimaha Abaaraha soo lab-laabtay  in xal waara laga gaaro, iyada oo la horumarinayom beeraha iyo deeggnada saameynta ku yeelato abaaraha in la horumariyo muhiim ay tahay.

“Abaaraha la tacalayno, dalka oo dhan saameysay, wax uga qaban lahayn, dadka wax soorka u leh sidaan ugu diyaarin lahaa waxyaabaha ay u baahanaayeen, Biyaha In ay isku tiirsan lahaayn, mashruucan tijaabadiisa oo lagu guuleystay, waxaana rajaynaa in dalka oo dhan la gaarsiiyo si ay looga faa;iideyso, aqoontooda kor loogu qaadayo, mashaariicda ay noqdaan kuwa is wada qiimahaasa leh waaye, Wax badna ayaa laysku celiyay, WFP, Wasaaraddaha ay khuseeyay wax badan Ayaan ka wada hadlay, “ yari Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Mashruucan ayaa socon doonno muddo labo sano iyo bar ( 2.5 years) , waxaana si wadajir ah u fulin doono dowladda Soomaaliya iyo WFP-Somalia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post