1695 Views

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda oo raali geliyay Shacabka ku hadla May-ga

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda oo raali geliyay Shacabka ku hadla May-ga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 10, 2018–Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa raaligalin ka bixiyay jawaab uu dhawaan bixiyay oo ay ka caroodeen Shacabka “May-ga”.

Maanta kulanka golaha shacabka waxaa jooga 156 Xildhibaan, ajendaha waa xisaab xirka dowladda ee 2017

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horeyntii wasiir dowlihii maaliyada u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabkii maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay.

Waxaa uu sheegay in hadalkiisa si kale loo fasirtay,islamarkaana uu raalin  buuxda uu siinaayo Shacabka ku hadla Lahjadda mayga ka dib markii Su’aal lagu weydiiyay Wasiirka uu sheegay in uusan fahmeyn Lahjadda meyga.

Xildhibaan maxamed fanax oo ahaa Xildhibaankii aan horay Su’aasha looga Jawaabin ayaa Aqbalay raaligelinta uu Bixiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment