528 Views

Xeryaha ciidamada Daraawiishta Galmudug oo la kormeerayArbaco:

Xeryaha ciidamada Daraawiishta Galmudug oo la kormeerayArbaco:
____________________________________________________________________________

December 20, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhigyada Ciidanka Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Duleedka Wisil ee Koonfurta Gobolka.

Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Guddoomiyaha Gobolka Mudug,Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Cali Muuse, Agaasimaha Wasaaradda Amniga ee Gobolka Mudug Bare Abshir Guuleed oo gaaray Xeryaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa ku amaanay ciidamada shaqada Qaranka ee ay Dalka u hayaan

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa sheegay inay bogaadinayaan Saraakiisha Daraawiishta Galmudug iyo shacabka Deegaannadas oo juhdi ku bixiyay Dagaalka maleyshiyaadka nabad diidka Al-Shabaab

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa wax ka badan hal sano Fariisimo ciidan ku leh Koonfurta Gobolka Mudug kadib Dagaalkii argagixisada Al-Shabaab looga xoreeyay deegaannada Koonfurta Gobolka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post