312 Views

Puntland oo shaacisay in xaalad soo wajahday ay u xirmeen 21 Iskuul

Puntland oo shaacisay in xaalad soo wajahday ay u xirmeen 21 Iskuul
____________________________________________________________________________

Isniin: August 8, 202

War-murtiyeed ayey kasoo saartay Wasaaradda Waxbarashada DG Puntland shir deg deg ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe, kaas oo looga hadlayay xaalad soo korortay oo dhaqaala xumo baahsan ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Puntland soo wajahday shantii sano ee u dambaysay xaaladdo adag oo isugu jiro isbadalka cimilada, abaaro daba dheeraaday, duufaano, aafada ayaxa, rabshado iyo xanuunka Covid-19.

Waxay sheegtay in taasi ay sababtay barakac baahsan, saboolnimo iyo saameyn taban oo waxbarashada ah.

Sidoo kale, war murtiyeedka Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaa lagu xusay dhowr qodob oo kasoo baxay shirkii ay qabteen, kuwaas oo soo jeedin ah, islamarkaana ku qotoma ka jawaabidda baahiyaha Waxbarashada xaaladaha deg dega ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post