1209 Views

Duufaanta Dorian oo ku wajahan Florida

Duufaanta Dorian oo ku wajahan Florida
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 04, 2019 —Duufaanta Dorian ayaa u muuqata mid gaabis ku socota ilaa iyo hadda, xilli ay ku wajahantay xeebaha gobolka Florida.

 

Hase yeeshee, khubarrada ayaa ka digaya in taasi ay macnaheedu tahay in dadka ku nool Florida iyo gobollada ku dherersan xeebaha Koofurbari ee Mareykanka ay u qaataan in duufaantu ay istaagtay.

 

Saraakiisha Shaadaasha Hawada ee Mareykanka ayaa sheegay in Duufaanta Dorian ay sii xoogeysa doono una dhaqaaqi doonto iyada oo dabeylo khatar ah wadata, gobollada Florida iyo Georgia Arbacada.

 

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay roobab mahiigaan ah iyo dabeylo xoogan ku mari doono gobollada Waqooyiga iyo Koofurta Carolina.

 

Khubarada Mareykanka ugu qaabilsan duufaannada ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ku nool gobollada ku teedsan badda Atlaantiga, laga soo billaabo Maryland ilaa New York ay muujifiyaan feejignaan dheeraad ah ishana ku hayaan xaaladda duufaanta Dorian.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment