1689 Views

Wasiirka Maaliyada Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Billaha Ee Guddiga Dhaqaalaha

Wasiirka Maaliyada Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Billaha Ee Guddiga Dhaqaalaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 29, 2018 –Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa shir guddoomiyay Kulanka Billaha ee Guddiga Dhaqaalaha oo ay ka qeyb galeen Xubno ka socday IMF, Africa iyo World Bank.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka sida uu sheegay Wasiir Beyle

“Waxaan shir gudoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha #FGC_Meeting’ kaas oo aan uga hadalnay horumarka dhaqaalaha, qorshayaasha noo dagsan iyo wax kaqabadka caqabadaha dhaqaalaha Dalka. Waxaa shirka nagala qeybgalay xubno ka socday IMF Africa, World Bank”.ayuu yiri Wasiir Bayle

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda dardar gelinta howlaha Maamulka iyo Maaliyadda dalka oo ay Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ay ku qanceen sida ay hadda wax u socdaan.

Hay’adda Lacagta Aduunka ay hore u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee is hormarinaya, sababtaas darteedna Dalal badan ay Casuumaad u fidinayaan Soomaaliya, si ay hormarkeeda kaga qeyb galaan.

 

1 2 3

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment