1344 Views

Darawal Mooto Bajaaj oo haweeney fool ah Isbitaal u waday oo Muqdisho lagu dilay

Darawal Mooto Bajaaj oo haweeney fool ah Isbitaal u waday oo Muqdisho lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 18, 2019–Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiligii Sallaada Subax ee saaka degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo waday Moota Bajaaj, iyadoo askariga dilka geystayna uu goobta isaga cararay

Sida wararka sheegayaan Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay waxa uu Mootada ku qaaday Haweeney ay deris yihiin oo fool aheyd, si ay Isbitaal ugu umusho.

 

Maxamed Aadan Cismaan oo ay is garanayaan marxuumka, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in aysan garaneynin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa toogashada, balse ay ka war heleen oo kaliya askari laba xabadood madaxa kala dhacay Darawalka, isagoo xiligaas marayay nawaaiga daarta Sey biyaano.

 

” Bajaajlaha haweeney Xaamilo eheyd ayaa xalay dhahday Walaaloow in saa’id la ii qabtaa laga yaabaaye waa ku soo kicinaa, isagana Haye ayuu yiri, Sallaadii subax ayuu naagtii soo waday, marka ay marayaan inta u dhexeyso Ajabka Shidaalka iyo Beerta Jaadka ayuu luuq uga soo baxay askariga, isla markiina xabad ayuu ku dhuftay oo madaxeena jabisay” ayuu yiri Wiilkan oo isagana Darawal Bajaaj ah.

 

Meydka Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina, halkaas oo ay markii dambe ka qaateen ehelkiisa, si ay u aastaan.

 

Waa qofkii labaad oo ah wade Moota Bajaaj oo askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu ku dilo magaalada Muqdisho inta lagu jiro bishan Ramadaan, iyadoo toogahsadan tii ka horeysayna ay ka dhacday nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee isla degmada Hodan, inkastoo askarigii dilka geystay la qabtay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment