1440 Views

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Maamulkaas

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Maamulkaas
____________________________________________________________________________

Khamiis: December 2, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashada, ayadoo dhinaca kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuna saabsaneyd Degmeynta Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Shirka, oo uu ka soo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, ayaa laga dooday, warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyadoo ugu danbeyntii cod loo qaaday degmeynta Xeraale oo ay Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan, kaasi oo looga doodi shirkan kan xiga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post