507 Views

Telefishinada ku yaalla dalka Ivory Coast oo raaligelin bixiyay ka dib markii uu baahiyay

Telefishinada ku yaalla dalka Ivory Coast oo  raaligelin bixiyay ka dib markii uu baahiyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 1, 2021

Mid ka mid ah telefishinada ku yaalla dalka Ivory Coast ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii uu baahiyay barnaamij uu nin uga hadlaayay sida uu dumarka u fara xumeeyo.

Daadihiyaha barnaamijka ayaa mowduuca uu ninka sharaxay ku kaftamay taasi oo iyadana caro badan dhalisay.

Soddon kun oo qof ayaa saxiixday codsi ku baaqaya in la joojiyo bandhigga kanaalka gaarka loo leeyahay ee Nouvelle Chaîne Ivoirienne (NCI).

Wasiirka arrimaha haweenka Nassénéba Touré ayaa ka mid ah dadka muujiyey caradeeda, iyada oo sheegtay in barnaamijka uu wiiqayo dadaallada dowladda ee looga hortagayo kufsiga.

Soo -jeediyaha barnaamijka, Yves de M’Bella, ayaa shacabka dalka Ivory Coast ka codsaday cafis, telefishinka ayaa shaqada ka tiray weriyihii daadhinayay barnaamijka.

Maamulka idaacadda ayaa sheegaya inay ka go’an tahay inay ixtiraamaan xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kuwa haweenka.

Ninkan ayaa la sheegay inuu hadda dumarka siiyo talooyin ku saabsan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen ama kaga hortagi lahaayeen kufsiga.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post