1536 Views

Askar Kenyan ah oo xabsi ku muteystay dil ay u geysteen hooyo Soomaaliyeed

Askar Kenyan ah oo xabsi ku muteystay dil ay u geysteen hooyo Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

Maxkamadda Sare ee Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay labo sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay saddex sano kahor Cabdiya Cumar Aadan ku dileen deegaanka Ramu ee Ismaamulka Mandheera.

Labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Denis Langat iyo Kennedy Okuli ayaa markii uu dilku dhacay la soo taagay maxkamad, balse maxkamadda oo eegeysa xaalado gaar ah sida halka uu dilku ka dhacay ayaa go’aansatay in dilkaasi uusan ahayn mid ula kac ah.

Bishii July ayaa dembi lagu helay labadan nin, kaddib markii ay baaritaan sameysay Waaxda Kormeerka Booliiska (IPOA). Waaxda oo xukunka kaddib warbixin soo saartay ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caddaalad u raadinta dadka la midka ah Cabdiya.

Sidee ayuu dilku u dhacay?

Cabdiya oo 63 jir ahayd ayaa la toogtay 10-kii November, sanadkii 2018, kaddib howlgal ay booliisku ka sameeyeen gurigeeda, iyagoo doonayay inay soo xiraan wiilkeeda oo looga shakisanaa inuu daroogada ka ganacsado.

Labada sarkaal ee dilka geystay ayaa kaddib la soo xiray, waxaana la soo taagay Maxkamadda Sare ee Garissa, iyadoo markii dambe damaanad lagu sii daayay.

Sida uu qoray wargeyska The Star ee Kenya ka soo baxa, baaritaan lagu sameeyay meydka Cabdiya ayaa wuxuu muujiyay inay u dhimatay dhiig-bax ka dhashay rasaastii lagu dhuftay. Rasaaska ayaa Cabdiya kaga dhacday qoorta waxayna ka baxday dhabarka.

Sidee ayaa loo arkay xukunka maxkamadda?

Cabdinaasir Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa qareennadii u doodayay Cabdiya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inaysan ku faraxsaneyn xukunka lagu riday labada sarkaal, isagoo sheegay inay maxkamadda ka filayeen inay xukun adag ku riddo saraakiishan, balse ay ixtiraamayaan go’aanka maxkamadda.

“Nimankan way ku caddaatay inay dembiga galeen, sharciga Kenya waxaa dilka uag yaalla xabsi daa’im, waxaan marka fileynay inay maxkamaddu taas ka dhawaajiso,

Dad kale ayaa xukunkan u arka mid aad muhiim u ah, iyadoo ay sheegayaan inuu yahay kii ugu horreeyay noociisa ee ka dhan ah dilalka sharci-darrada ah.

Cabdinaasir ayaa sheegay inay ka fekerayaan wixii ay ka dhihi lahaayeen xukunka maxkamadda, iyagoo heysta muddo labo toddobaad ah si ay racfaan uga qaataan.Wuxuu qudhiisa qirayaa in xukunka maxkamadda uu yahay guul weyn oo gobolka u soo hoyatay, balse wiixi laga dhihi lahaa ay kala hadli doonaan qoyska Cabdiya.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post