1668 Views

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Shir Muhiim Ah Ka Furay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Shir Muhiim Ah Ka Furay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 13, 2018 —Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa Maanta daahfuray Shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka (National Economic Policy Forum)

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka,Ururada,Bulshada rayidka ah iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa raja wanaagsan ka muujiyay shirkaas.

“Waxaanan Madasha Wadatashiga ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka u rajaynayaa guul iyo horumar, iyo in ay Xalal Midho dhal ahi ka soo baxaan oo dhaqaalaha wax looga qabto.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa waxaa wareegto ku Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana maalin ka hor ay Golaha wasiirada u gudbiyeen cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka QW/Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment