1290 Views

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia Kenya Iyo Eritrea Oo Kulan Saddex-Geesood Ah Ku Leh Caasimadda Eritrea

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia Kenya Iyo Eritrea Oo Kulan Saddex-Geesood Ah Ku Leh Caasimadda Eritrea
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 03, 2019 –Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxay maanta booqasho ku tegay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Uhuru Kenyatta iyo Abiy Ahmed oo la socday labo Duullimaad oo kala duwan waxaa Garoonka Caalamiga ee Asmara ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea, Isayas Afewerki.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea,Yemane Gebremeskel ayaa sheegay inay Saddexda Hoggaamiye maanta yeelan doonaan Shir Saddex geesood ah oo ay kaga arrinsanayaan Arrimaha Gobalka iyo xiriirka dalalkooda. Hoggaamiyayaasha waxay kaloo yeelan doonaan Kulamo gaar-gaar ah oo khuseeya danaha dalalkooda.

Danjiraha Ethiopia u jooga Eritrea, Ridwaan Xuseen oo dhawaan la hadlay Wargeyska Ethiopian Herald waxa uu sheegay inay Ethiopia iyo Eritrea dhawaan yeelan doonaan Heshiis Iskaashi oo lagu caadiyeynayo Xiriirka Dhaqaalaha, Dhaqaale iyo Kaabayaasha Hoose.

Danjiraha waxa kaloo uu sheegay inay socdaan wada-xaajoodyo muhiim ah oo ku aadan Ganacsiga xuduudaha, Canshuuraha, Socdaalka iyo Gaadiidka, lana filayo inay Hoggaamiyaasha labada dal ansixiyaan Heshiisyadaasi.

HeshiiskiiNabadda ee ay Ethiopia iyo Eritrea kala saxiixdeen ayaa waxa uu soo af-jaray colaaadii iyo murankii xuduudaha ee labadaasi waddan u dhexeeyey 20-ki isanno ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Geeska Afrika waxaa ka socday  Wada-xaajoodyo iyo Dib-u-heshiisiin ka bilaabantay caadiyeynta xiriirka Eritrea iyo Jabuuti iyo dhanka kale Eritrea iyo Somalia.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment