1302 Views

Erdogan oo ku dhawaaqay in ay qabteen xaaska Abubakar al-Baqdaadi

Erdogan oo ku dhawaaqay in ay qabteen xaaska Abubakar al-Baqdaadi
____________________________________________________________________________

Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha dalka Turkiga, ayaa ku dhawaaqay in Dowladdiisa ay qabatay xaaska hogaamiyihii hore ee kooxda la baxday Khilaafada Islaamka, Abubakar al-Baqdaadi oo dhawaan la dilay.

 

Waxaa uu sidoo kale  sheegay in ay horay gacanta ugu dhigeen haweeney ay walaalo yihiin Al Baqdaadi.

 

Erdogan ayaa xusay in Mareykanka uu si xad dhaaf ah u buunbuuniyay dhimashada Al Baqdaadi.

 

“Waxaan halka ka sheegayaa markii ugu horeesay in aan gacanta ku dhignay xaaska Al Baqdaadi, balse ma aynaan buunbuunin sida Mareykanka oo kale, waxaan sidoo kale gacanta ku dhignay seedigii iyo dumaashidii”, ayuu yir Erdogan.

 

Talaadadii, Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in la soo qabtay Rasmiya Awad oo la dhalatay Abubakar Al Baqdaadi, ayna suuragal tahay in “laga helo sir qiimo leh”.

 

Rasmiya waxaa la sheegay in laga qabtay gobolka Xalab oo hadda ciidamada Turkiga ay maamulaan. Waxaa laga dhex helay gaari wayn oo ay kula dhex nooleyd seygeeda, dumaashideed iyo shan carruur oo kale, sida sarkaal Turki ah uu u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment