468 Views

, Iran oo qorsheyneysa inay Ruushka siiso boqolaal diyaarado oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn

, Iran oo  qorsheyneysa inay Ruushka siiso boqolaal diyaarado oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn
____________________________________________________________________________

Takaado July 12, 2022

, Iran ayaa qorsheyneysa inay Ruushka siiso boqolaal diyaarado oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn si ay ugu geystaan dagaalka Ukraine Iran ayaa qorsheyneysa inay Ruushka siiso boqolaal diyaarado oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn si ay ugu geystaan dagaalka Ukraine. Diyaaradahan ayaa  waxa ay qaarkood leeyihiin awood dagaal, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa sheegay in xogta uu Maraykanku helay ay muujinayso in Iran ay isu diyaarinayso inay ciidamada Ruushka u tababarto adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxa uu intaa ku daray in aanay caddayn in Iran ay weli soo dhiibtay iyo in kale.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ahaa dagaalka socda ee Ukraine iyo Ruushka.

Toddobaadkii hore, Ukraine waxay codsatay deeq kumanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga caawiyaan dagaalka ay Ruushka kula jiraan.

Mr Sullivan waxa uu intaa ku daray in sirta uu Maraykanku helay ay u dhowdahay aragtida ah in weerarka Ruushku ku hayo bariga Ukraine uu kharashkiisa la mid yahay kharshka guud ee hubkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post