1509 Views

Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Beledweyne

Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 10, 2021=Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa manta gaaray Xubno katirsan gudiga doorashooyinka Heer Federaal, iyada oo siweyn halkaasi ay ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya  Gudoomiye ku xigeenka Gudiga doorashoyinka heer federaal Mowlid Mataan, waxaana Garooonka diyaardaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Calijeyte Cismaan & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ay kormeeri doonaan Goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka Xildhibanadda Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka maadama Beledweyne ay taallo 25 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka.

Sidoo kale Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan & saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, iyaga oo ka dhageystay warbixino la xiriira amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ay horay u tageen degaano katirsan dowlad Goboleedyada kajira dalka, waxaana dhawaan ay booqdeen degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ah Goobaha ugu horreeya ee lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post