615 Views

Wafdi ka socda hay’adda QM oo gaaray degmada Hobyo

Wafdi ka socda hay’adda QM oo gaaray degmada Hobyo
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Waxaa maanta Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug soo a gaaray Wafdi balaaran oo kasocdo Hay’adda Qaramada Midoobe oo u yimid indha i dheynta xaladaha abaareed ee Magaalo xebeedka Hobyo.

Agasimaha Guud ee wasaaradda Gargaarka Galmudug Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Guddoomiyaha Magaaladda iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyey wafdigaan Garoonka diyaaradaha ee degmada Hobyo.

Kormeerka ka dib Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin waxay ku qaateen xarunta Degmada Hobyo kaas oo diiradda lagu saaray abaara, wax ka qabashada Biyo iyo cunto yarida ay sababtay abaartu.

Markii uu kulanku soo dhamaaday waxaa warbaahinta siwadajira uga warbaxshay Guddoomiyaha Magaaladda Hobyo Cabdulahi Ali Ahmed Faad iyo Agaasimaha wasaaradda gargaaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Cumar Xasan Xaaji

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post