1176 Views

Dowladda Tanzania oo si buuxda shaaca ugga qaadey xaaladda cudurka covid19 ee dalkaasi.

Dowladda Tanzania oo  si buuxda shaaca ugga qaadey xaaladda cudurka covid19 ee dalkaasi.
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Dowladda Tanzania, ayaa markii uggu horeysay muddo sanad ah si buuxda shaaca ugga qaadey xaaladda cudurka covid19 ee dalkaasi.

Intii lagu guda jirey shir jaraa’id oo ay ku qabatey magaalada Dares Salam, haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalkani Samia Suluhu Hassan, ayaa sheegtay in kiisas cusub oo gaaraya illaa iyo boqol laga helay dalkani, kuwaasoo ah wajiga saddexaad ee cudurkani, kaasoo aafeeyey dunida oo idil. Waxey intaa ku dartey Suluhu, in boqolka bukaan toddobaatan kamid ah ay haatan kuxiran yihiin aaladda neef kaalmeynta, ee qofka ka caawisa neef qaadashada.

Tanzania ayaa joojisay soo saarista xogta cudurka Covid19 bishii May ee sanadkii hore ee 2020-ka, ka gadaal markii Madaxweynihii hore ee John Magufuli, uu sheegay in dalkiisa aaney ka jirin wax ku saabsan corona virus.

Madaxweyne Suluhu, ayaa qaadatey wado kale oo ay ku wajaheyso cudurka Covid19, oo ka duwan Madaxweynihii hore nidaamkii uu kula dagaalamayey cudurka, illaa iyo intii ay la wareegtay xafiiska tan iyo bishii March ee sanadkan 2021-ka.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay iney ku bixin doonto 470 milyan oo Doolar, si ay uggu soo iibin laheyd dadkeeda agabta dadka ka caawiya neefsashada marka uu haleelo cudurka Covid19, iyo kaalmeynta sidoo kale ganacsiyada uu sida xun u saameeyey cudurkan saf mareenka ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post