303 Views

Koonfur Afrika oo ka fal-celisay digniin argagixisnimo oo uu soo saarey Mareykanka

Koonfur Afrika oo ka fal-celisay digniin argagixisnimo oo uu soo saarey Mareykanka
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

Dowladda Koonfur Afrika, ayaa u muuqata inay hoos u dhigtay digniinta safaaradda Maraykanka, ee ku aaddan suurtagalnimada weerar argagixiso oo dhammaadka toddobaadka ka dhici doona xarunta ganacsiga ee magaalada Johannesburg.

Safaaradda Mareykanka ayaa arbacadii kula talisay shaqaalaheeda in ay “ka fogaadaan dadka faraha badan iyo isu imaatinnada kale ee waaweyn ee ka dhacaya aagga weyn ee Sandton ee magaalada Johannesburg”.

Iyadoo ka jawaabayso, madaxtooyada Koonfur Afrika, ayaa waxay xustay “digniinta argagixisanimo” ee Mareykanka inay qayb ka tahay “isgaarsiinta caadiga ah ee dawladda Maraykanku ay la leedahay muwaadiniinteeda”.

Madaxtooyadu ayaa waxay sheegtay inay mas’uuliyad ka saaran tahay ciidamada ammaanka Koonfur Afrika sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka, iyo badbaadada dhammaan dadka ku nool dalka Koonfur Afrika.

Waxay sheegtay madaxtooyada sheegtay in hay’adaha sharciga ay la socdaan wax kasta oo khatar ku ah muwaadiniinta iyo qaranka.

“Haddii ay baahidu timaado, dowladda Koonfur Afrika, ayaa noqon doonta tan ugu horreysa ee shacabka ku wargelisa khatar kasta oo soo fool leh,” ayaa lagu yiri hadalka ay soo saartay madaxtooyadu.

Wasiir ka tirsan madaxtooyada oo ay soo xigatay warbaahinta maxalliga ah Arbacadii, ayaa sheegay in “Qaylo-dhaantu ay socotay, balse inaan la hayn cadeyn rasmi ah illaa iyo haatan”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post