231 Views

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Dublin caasimadda dalka Ireland kaddibna Meydkiisa la qariyay

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Dublin caasimadda dalka Ireland kaddibna Meydkiisa la qariyay
____________________________________________________________________________

Khamiis: DECEMBER 15, 2022

Wiil dhallinyaro ah oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa lagu dilay magaalada Dublin ee caasimadda dalka Ireland , waxaana socda baaritaano ay wadaan booliiska oo lagu ogaanayo cidda ka dambeesay falkan dilka ah.

Booliiska magaalada Dublin ayaa sheegay in la helay meydka wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Yaasiin 22-sanno jir ah, waxaana wiilkan markii la dilay kaddib lagu qariyay roog dhaxdiisa.

Nin lugeenayay ayaa meydka wiilkan Soomaaliga ah ka helay goob uu xilligaasi marayay, ninkan ayaana booliiska ku wargaliyay dhacdadan, waxa ayna booliiska durba bilaabeen baaritaano ku aadan kiiska dilkan.

Booliiska ayaa sheegay in ay hadda wadaan baaritaanka kiiskan dilka ah, waxa ayna dadka ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan haddii ay hayaan xog ku aadan dilka iyo sidii loo aqoonsan lahaa dadkii ka dambeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post