831 Views

Amb Baalle oo dacwad ka gudbiyay Wiil uu dhalay Eng. Yariisow oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Soomaaliya ee Newyork.

Amb  Baalle oo  dacwad ka gudbiyay Wiil uu dhalay Eng. Yariisow  oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Soomaaliya ee Newyork.
____________________________________________________________________________

Axad: January 30, 2022

Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM Amb. Abuukar Baalle ayaa dacwad ka gudbiyay Wiil uu dhalay Duqii hore ee Muqdisho Eng. Yariisow oo lagu magacaabo Maxamed Abdirahman Cumar oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Soomaaliya ee Newyork.

Wararka ayaa sheegaya in Danjire Abuukar Baalle iyo Diblomaasi Maxamed C/raxmaan ay isku qabteen shir uu dhowaan ka qeyb galay Maxamed C/raxmaan

waxaana uu ku dacweeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kana dalbaday in aanay wada shaqeyn karin.

Waxaa horay u jiray in mar ay isku dhaceen, balse markii dambe la xaliyay,.

waxaana la sheegayaa in laga yaabo in Maxamed C/raxmaan loo wareejiyo Washington ama Geneva, sida aanu ka soo xiganay ilo wareedyo muhiim ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post