981 Views

Kenya oo sheegtay inay heegan gelisay Ciidamadeeda

Kenya oo sheegtay inay heegan gelisay Ciidamadeeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco   , March 6 , 2020 —Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhamaan ay heegan geliyeen ciidamadooda,isla markaana xilligaan aan wax cabsi ah laga qabin in gudaha dalkaas ka dhacaan weeraro xilli dhowr jeer ay weeraro ka fuliyeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Dr. Fred Matiang ayaa sheegay in dowladddu qaadey tallaabooyin dhowr ah oo lagu ilaalinayo dadka Shacabka ah,isla markaana amaanka siweyn loo adkeeyey.

 

 

 

Wasiirka oo booqdey Goobo Ganacsi oo ku yaalla Thika Road Mall ee Magaalada Nairobi ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada Ammaanka ay u diyaarsan yihiin ka jawaaida hadii ay weeraro ka dhacaan Gudaha Kenya.

 

“Xaqiiqdii isbedel ayaa ku yimid weerarada Kooxaha Argagaxisada ah,hayeeshee Ciidamadeena ay mar walba u diyaarsan yihiin sugida Amniga oo ay ka hortagayaan falalka Amni darro ayuu yiri” Wasiirka.

 

Hadalka Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Dr. Fred Matiang ayaa kusoo aadaya xilli dabayaaqadii bishii hore uu Maraykanka ka digay in la bartilmaameedsan karo mid ka mid ah maqaayadaha caanka u ah dalxiisayaasha ee Nairobi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment