1599 Views

Haweenay Soomaali ah oo ku jirta dadkii abaabulay weerarkii Nairobi

Haweenay Soomaali ah oo ku jirta dadkii abaabulay weerarkii Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2019 –Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay Haweenay Soomaali ah in ay ka qeyb ka aheyd dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Desit2 ee Magaalada Nairobi todobaadkii lasoo dhaafay.

Ciidanka Kenya ayaa gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ka bilaabay dadaallo la doonaayo in lagu soo qabto Maryan Cabdi oo la sheegay in ay bixisay hubkii lagu weeraray Hoteelka.

Maryan ayaa Ciidanka Booliska Kenya waxa ay sheegeen in hubka iyo Qaraxyadda ay ka qaaday Gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay geeysay Magaalada Nairobi oo ay ku sugnaayeen Kooxda Weerarka qaaday.

Haweyneydaan ayaa wali gacanta lagu dhigin, waxaana wali socda howlgal ballaaran oo lagu soo qabanaayo, Maadaama la aaminsan yahay in ay ku sugan tahay gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka ay degto Soomaalidu.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment