426 Views

Faahfaahin Dheeri oo kasoo baxaysa Qarax khasaara Xoogan gaystay oo Ka Dhacay Duleedka Matabaan

Faahfaahin Dheeri oo kasoo baxaysa Qarax khasaara Xoogan gaystay oo Ka Dhacay Duleedka Matabaan
____________________________________________________________________________

Isniin: June 27, 2022

Inta la xaqiijiyay 4 Ruux ayaa ku geeriyootay 3 kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii Gaari NOHA oo lasocday Kolonyo Ciidamo Dowladda ah lagu qarxiyay inta u dhaxeysa Degaanka Bacda iyo Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ilo kala duwan ayaa Warbaahinta Galgaduud u xaqiijiyay in Dadka geeriyooday ay kala yihiin Darwalka waday Gaariga NOHADA ah, 2 Askari iyo Qof kale oo Makaanik ah.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay 2 Wariye oo la socday Gaariga iyo hal Askari.

Gaarigan la qarxiyay ayaa lasocday kolonyo Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidamada Dowladda ee ka howgalla Gobolka Hiiraan kuwaa oo maalmo kahor kasoo baxay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadibna kasoo wareegsaday dhanka Deegaanka Marax Maroodi

Ciidamadan ayaa xogtu sheegeysaa in Saaka Weerar ku ahayeen Al-shabaab oo todobaadyadii ugu danbeeyay fariisin ka dhigtay, dhaqdhaqaayana kawaday Degaanka Bacda ee hoostaga degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee Xogga Dalka iyo kuwa Gorgor kana yimid dhanka degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gaaray degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan kuwaa oo Gurmad u ah Ciidamadda qeybta 27-aad ee saaka aaday dhanka degmadda Bacda.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in dagaalamayaasha Alshabaab ee fariisinka kulahaa deegaanka Bacda ay ka baxeen kuna suganyihiin goobo aan ka fogeyn deegaankaas, waxaana cabsi xooggan dadka deegaanku ka qabaan dagaal dhexmara Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post