996 Views

Axmed Madoobe oo abaabul dagaal ka wada degmada Dhoobleey

Axmed Madoobe oo abaabul dagaal ka wada degmada Dhoobleey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad  , March 1, , 2020 —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo weli ku sugan degmada Dhoobleey ayaa Maanta waxaa uu kormeer ku tegay Xarumaha Ciidamada Jubbaland ee degmadaas.

 

Axmed Madoobe ayaa la hadlayay Ciidamada ku sugan Xerada uu booqdey,waxaana uu kula dar daarmey inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

 

 

 

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa faray Saraakiisha Ciidamada uu booqdey hoggaamineysa inay u diyaar garoobaan howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Dhexe.

 

Magaalada Dhoobleey ayuu sheegay Axmed Madobe inay noqon doonto Taliska Guud ee Ciidamada Al-Shabaab ka saaraya deegaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment