675 Views

Jubbaland oo soo dhawaysay war-saxaafadeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika,

Jubbaland oo soo dhawaysay   war-saxaafadeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika,
____________________________________________________________________________

April 25-2021

Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga madaxtooyada dowlad gobolededka Jubbaland ayaa lagu soo dhoweeyey war-saxaafadeedkii dhawaan kasoo baxay shirkii golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo lagu cambaareeyey mudo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 ay tahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

Midowga Afrika ayaa la filayaa inuu dhowaan soo magacaabo ergay u kala dab-qaada dhinacyada Soomaaliya, isla markaana dib u fura wada-hadalladii doorashada ee u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada dalka. 

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shalay Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan a in ergay gaar ah uu Midowga Afrika u soo magacaabo Soomaaliya, si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, isagoo tilmaamay inuu ku yimid soo jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post