297 Views

Koox hubeysan oo caawa weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho

Koox hubeysan oo  caawa weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

.

 Axad: January 29, 2023 

Koox hubeysan ayaa caawa weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kooxdaas ay weerarka ku bilowday jug culus oo loo maleynayo inuu ahaa qoriga nooca loo yaqaano Sebenka.

Jugta culus ee la maqlay kadib waxaa bilowday rasaas culus oo dhexmartay askartii saldhigga joogtay iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Rasaas ayaa mudo socotay ilaa hadana lama garanayo cidda weerartay saldhigga booliska ee degmada Howlwadaag.

Kooxda Al-shabaab ayaa loo maleynayaa inay fulisay weerarkaan, waxaana kacsan xaaladda aagga uu ku yaallo saldhigga Howlwadaag.

Booliska Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama soo saarin weerarkaan, hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo cidda geysatay toona.

Kooxda Al-shabaab oo cunaqabateyn adag iyo dagaal toos ah kala kulmeysa dowladda Soomaaliya ayaa hadana weerarro ka geysata gudaha caasimadda Muqdisho, waxayna dowladu la tacaaleysaa xal u helidda amni darradaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post