819 Views

Koox qabsaday deked muhiim ah oo ku taalla Mozambique

Koox qabsaday deked muhiim ah oo ku taalla Mozambique
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-13-2020–Mintidiin Islaami ah ayaa Arbacadii qabsaday deked muhiim ah oo ku taalla waqooyiga dalka Mozambique ee qaniga ku ah gaaska kadib maalmo ay socdeen weeraro ay sheegatay koox ku xiran kooxda Daacish, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari.

“Dekedda magaalada Mocimboa da Praia waxaa aroortii Arbacadii qabsaday argagixisada,” waxaa sidaas ku warramay website-ka Moz24Horas, halka ilo-wareedyo militari ay u sheegeen AFP in magaalada yar iyo dekedeedaba la qabsaday.

Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyey falal muqaawanimo oo kusoo kordhayey waqooyiga dalkaas tan iyo 2017, kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, islamarkaana adkeeyey qorshihii gaaska looga soo saarayey xeebaha halkaas.

Ciidamada difaaca Mozambique ayaa xaqiijiyey in “argagixisada” ay billaabeen weeraro culus oo ay ku qaadeen dhowr xaafad oo ku hareereysan dekedda toddobaadkii tegay, si ay u qabsadaan magaalada.

“Waxaa hadda socda ficillo looga adkaanayo argagixisada oo dadka deegaanka u adeegsanaya inay gabaad ka dhigtaan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada militariga.

Magaalada Mocimboa da Praia ayaa waxa ay ku taalla meel 80km koonfur kaga beegan jasiiradda Afungi, halkaasi oo ay ku taallo goob laga soo saaro gaaska dabiiciga ah ee la qafiifiyey.

Dekedda la qabsaday ayaa muhiim u ah mahsruuca gaaska lagu dhoofinayo

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post