375 Views

Hay’adaha Amniga & Maamulka G/Banaadir oo ka shiray Amniga & xakameynta hubka

Hay’adaha Amniga & Maamulka G/Banaadir oo ka shiray Amniga & xakameynta hubka
____________________________________________________________________________

Madaxda Hay’adaha Amaanka dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isagu yimaadeen Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed shir looga arrinsanayo Xoojinta Amniga iyo Hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada, kaas oo uu shir Guddoomiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Xoojinta Amniga, ayaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida ;- Boliiska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka Amaanka. Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir oo ku hadlayay afka shacabka Caasimada ayaa soo dhaweeyay Howlgalka Ciiltire una mahadceliyay hay’adaha Qeybta ka ah sugida iyo xoojinta Amniga.

Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada, ayaa isna la falanqeeyay lana sharaxay sida loo fulinayo Guddoonka Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa si faahfahsan uga hadlay fulinta xeeran si Amniga iyo Xasiloonida loo xaqiijo.

Madaxda Hay’adaha Amaanka, Maxakamada Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa si faahfaahsan ula wadaagay shirka qaadashada hay’ad kastaa qeybta ay ka leedahay hirgelinta Xeerkan iyo fulintiisa kaas oo ay Golaha Xukuumadu ansixiyeen Xeerkan 06/Apr/2023.

Ugu danbeyn, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, ayaa howlgalkaan ugu magacdaray Ciiltire. Isla markaana, uga mahadceliyay Hay’ada Qeybta ka ah gaar ahaan Ciidanka Polizia Militare, isaga oo gababadiina Shirka soo xiray.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post