933 Views

Weriye Jamaal Faarax Aadan oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Weriye Jamaal Faarax Aadan oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

1da Maarso, 2021

Wararka ka imaanaya caawa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in  caawa lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo mudo dheer ka howlgelayey deegaanada maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee koox ku hubetysan bastoolado ayaa caawa Weriyaha ku dishay agagaarka xerada Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Jamaal Faarax Aadan oo ahaa weriye si weyn looga yaqaanay deegaanada Puntland ayaa mudooyinkii dambe ka howlgeli jiray waraabahinta Daljir.

Sidoo kale Kooxdii dishay Weriye Jamaal ayaa durba goobta ka baxsatay, waxaana caawa xaafadaha ka agdhow goobtii lagu dilay ka socdo howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka Puntland oo goobta soo gaaray dilka kadib.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post