1503 Views

SAWIRO:-Wufuud ka socota Beesha Caalamka oo gaaray Dhuusamareeb

SAWIRO:-Wufuud ka socota Beesha Caalamka oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 22, 2019 —Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Maanta waxaa ay kusoo dhaweeyeen  Madax ka socotay  Wakiilada Soomaaliya Beesha Caalamka u jooga Magalada muqdisho.

 

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay wasiirka amniga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Xubnaha Dhuusamareeb gaaray ka mid ah, Wakiilka Qaramada,Wakiilka Midowga Afrika,IGAD iyo safiirada wadamo dhowr ah u jooga Soomaaliya.

 

Wufuuda ayaa waxaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb,waxana lagu soo waramayaa inay halkaasi kulan kula leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

 

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa waxaa ay Dhuusamareeb u tageen Arrimo la xiriira Galmudug maadaama haatan deegaanada Maamulkaas ay ka socdaan qorsho lagu dhisayo Galmudug Cusub oo mideysan,isla markaana ay horboodeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment