906 Views

Xulista Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo bilaawdey

Xulista Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo bilaawdey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Guddiga Madaxa banaan ee soo xulista Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay bilaabeen kulmao ay uga arinsanayaan howlahoodii ku saabsanaa sidii lagu soo xuli lahaa Xildhibaannada Cusub.

Guddiga oo uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Guddoomiyaha Guddiga xulista Baarlamaanka koonfur Galbeed Maxamed Keerow ayaa sheegay in Guddiga ay u kala qeybiyeen Saddex qeybood oo kala ah,Xubno qabilsan xalinta khilaafaadka,Xubno qaabilsan dhinaca Maaliyadda iyo fududeynta wixii loo baahdo iyo kuwo diyaarinaya Xubnaha la soo xulayo,isla markaana ay diiwaan gelinayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay si KMG ah u diyaariyeen xeerkii uu Guddigooda ku Shaqeyn lahaa si ay u fududaadaan howlaha soo xulista Baarlamaanka labaad ee Maamulka koonfur Galbeed uu yeelanayo.

Horaanta Bisha Maarso ee sanadkaan 2020 ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo howlaha xulista Baarlamaanka koonfur Galbeed,iyada oo Magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee xorta ah ay ka socdaan kulamo ku saabsan xulista Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment