693 Views

Gudoomiye shekh shariif oo Bogaadiyay Dadaalada Raisal Wasaare Rooble.

Gudoomiye shekh shariif oo Bogaadiyay Dadaalada Raisal Wasaare Rooble.
____________________________________________________________________________

May 6,2021

Madaxweynihii hore ee KMG shekh shariif ayaa ka hadlay heshiiskii shalay lagu gaaray in Ciidamada dib loogu Celiyo Xerooyinka.

Waxaan soo dhaweynahaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhintii sharci darrada ahayd, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-Gaarsiinta, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Sidoo  kale Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post