411 Views

Duqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo Khilaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay

Duqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo Khilaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 15, 2022

Duqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo shalay ku dagaalamay kala boobida Kaararka Raashinka Qaxootiga loogu talogalay ee ay bixiyaan Hay’addaha gargaarka ah, ayaa hadda ku wada sugan gudaha xarunta dawladda Hoose.

Odayaal dhaqan ayaa isku dayaya in ay heshiis dhexdhigaan, kaararkana u qeybiyaan si siman, xili bulshadii u baahnayd ee loogu talogalay aysan gaarin.

Masuuliyiinta Puntland ayaa la aaminsan yahay in ay ficiladan ku badan yihiin, marka loo eego hanaanka musuqmaasuqa oo sii gaamuraya/saldhiganaya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilo kahor la ogaaday in laga xaday Buskut loogu talo-galay Hooyadda iyo Dhallaanka, kaas oo ay bixiyeen Hay’addaha caalamiga ah, sidaas oo kale daawooyinka iyo agabyada xarumaha caafimaadka Hooyada aya dib suuqyada looga iibiyaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post