753 Views

Madaxweynaha K/Galbeed oo bilaabay dadaalo la xiriira xalinta khilaafka doorashada

Madaxweynaha K/Galbeed oo bilaabay dadaalo la xiriira xalinta khilaafka doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2021—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed( laftagareen) ayaa dhex-dehxaadin ka dhex bilaabay Madaxda Dowladda soomaaliya & xubnaha mucaaradka taas oo la xiriirta khilaafka kajira Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne laftagareen ayaa kamid ahaa saddexda Dowlad goboleed ee xukuumadda Soomaaliya ku taageeray inay bilaawdo hirgelinta Arrimaha doorashooyinka , taas oo sii hurisay khilaafka doorashada.

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug oo dadaalka xalinta khilaafka waday uusan aheyn mid dhex-dhexaad ah.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu kamid yahay mas’uuliyiinta dalka balse uu qaadan doorkii loo baahnaa, waxaana uu cadeeyay Musharax Daahir Geelle in cid walba oo Soomaali ah ay qaadan karto door dhex-dhexaadnimo ah.

Khilaafka doorashooyinka Somaaliya ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda kulamo kala duwan oo xal looga gaarayo khilaafkaas u dhaxeeya Madaxda dowladda & siyaasiyiinta mucaaradka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post