504 Views

Magaalada Vigo ee dalka Spain:Badda laguma dhex kaadin karo

Magaalada Vigo ee dalka Spain:Badda laguma dhex kaadin karo
____________________________________________________________________________

Talaado: June 21, 2022

 

Dalxiisayaasha u baahan nasashada musqusha inta ay fasaxa ku joogaan Spain waa in ay iska ilaaliyaan in ay badda ku dhex kadiyaan – hadii kale waxay la kulmi doonaan ganaax adag hadii laqabto iyaga arrintaa sameynaya.

Vigo oo ah Goob loo dalxiis tago oo caan ah ayaa mamnuucday in lagu dhex kaadiyo badda, iyadoo qofka lagu helo lagu ganaaxayo ilaa €750 oo u dhiganta ($1130).

Vigo, oo ah gobolka xeebta ee waqooyi-galbeed ee dalka Spain, ayaa soo saartay digniintan cusub oo mamnuucaysa in lagu kaadiyo “badda ama xeebta”.

Ma cadda sida saraakiisha maxalliga ah ay sharcigan u fulin doonaan.

Golaha magaalada Vigo ayaa sheegay in arrintan ay “xadgudub ku tahay nadaafadda iyo xeerarka caafimaadka dadaweynaha.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post