582 Views

Cali Guudlaawe xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cali Guudlaawe xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
____________________________________________________________________________

 

February 22, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmahan ku sugan Muqdisho ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif ayaana salaan iyo is wareysi kadib kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khalalaasihii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee ciidamada dowlada ku weerareen Hotel Shariif iyo Xasan Sheekh degnaayeen.

Labada masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay khilaafka xoogan ee xiligan ka taagan doorashada gaar ahaan guddiga doorashada , waxa ayna labada dhinac isla garteen in muhiim tahay in xal nabadeed laga gaaro xiisada siyaasadeed ee taagan.

about:blank Sheekh Shariif ayaana ka codsaday Madaxweynaha Hirshabelle in uu noqdo dhax dhaxadaad kana fiirsado mustaqbalkiisa siyaasadeed uusan noqon hogaamiye hayi raac ah oo looga gudbo xaaladan kala guurka ah.

Madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si weyn u taageersan siyaasada Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday , waxa ayna Madaxdan aysan awood u laheyn in ay dhax dhaxaad noqdaan kuna shaqeeyaan rabitaanka dadka ay matalaan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post